Abwaan hassan hussein dahir (Qoolaali)  iyo qayb kamida gabaygii dhalashada kilalka iyo shirkii diredawo ,waa gabay koobaya deegaanka oo dhan iyo sirihii melez iyo Tplf balse intan waxuu xooga kuu saaray dhulka ogadenia somali galbeed.


~Sabannadan abaarta ah hashii xooga lagu saaday.

~Sigashiyo haraadiyo hashaan wali sabaad oomin.

~Hashii afarta wiil daba socdeen sahan adeerkood ah.

~Summad seerjiya ah hashaan saaray dalabkeeda.

~Hashii sabankan weeb joogtayee loogu shubay suurka.

~Surmi iyo dhuunyaaliyo hashii miratay suubaanka.

~Hashii dhuugo soon hore tagtee sararka sii qaaday.

~Saalo jaamac iyo weeb hashii sahanka loo geeyay.

~Doolowyo iyo suufiyo  hashii sibir intay joogto.

~Hashii siiqa wabi-wayne iyo diilharo u socotay.

~Soomaliya xadkeediyo hashii seerka kor u qaaday.

~Hashii qooxle saalada dhigtee aan biyaha siinay.

~Dusha hashii aan saaree cillaan ooga socotaysay.

~Aw danbay hashii sii martee wabiga saac goysay.

~Sallaxaad hashii sii martee socod ku dheeraatay.

~Hashii faafan suudii tagtee daaqato u socotay.

~Sasabaniyo bulaaliyo hashii sagag iyo fiiq aaday.

~Sabadii danood iyo hashii doollo soconaysay.

~Sar-sarkeeda soomaliland hashi an soo saaray.

~Saqaafaha hashii aan adari geeyay sahankeeda.

~Hashii kuruska dheer saartayee sarartu waynaatay.

~Surumada markay mari hashii aayar soconaysay.

~Hashii sarraxa taagnayd markay saarka guranaysay.

~Yucub iyo sakiir iyo hashaan suurin waligeedba.

~Dhuudaan hashaan laga sar-sarin cudur sabaadeeya.

~Sibraheeda kaadida hashii laga sifaynaayay.

~Saabuunaha hashii lagu dhaqee saxarka loo diiday.

~Waa suurad eebe hashaa sabad-yar moodayso.

~Saqiir iyo kabiir hashuu ruux walba sugaayay.

~Maantaan sidkood moodnayoo raacnay subaxdiiye.

~Kob banaan ayay seexatoo fidisay suulkiiye.

~Nirig baan sugaynee markaan shaatiyadi siibnay.

~Gubihiyo madheertoo socdaa aayar soo baxaye.

~Ilmihiina sagaarkuu ku dhagay deedna lagu suuqye.

~Iyadiina way sara kacdoo guratay saarkiiye.

~Waa si'aanu garan waynay oo maana saakumine.

~Abwaankii sancada geel yaqaan doonay subaxaaye.

~Su'aasheedi waydiinay iyo waxaan samaynaaye.

~Siduu yidhi waxay tahay anoo sawdka badinaynin.

~War waa rimay saluug neef haduu waxan sameeyaaye.


~Abaahada danbay sugi tan way suurta gali wayday.