Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka ee DDS ayaa soo bandhigay in ka badan 70 xabbo oo ah liisanno sharci-darro ah, kuwaasi oo ay ku shaqaysanayeen qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka ee magaalada Jigjiga.


Iyada oo muddooyinkii u dambeeyay magaalada Jigjiga uu ka socdo qorshe lagu soo saarayo wadayaasha gaadiidka ee bilaa sharciga ah ayaa baadhitaanno kala duwan oo ay sameeyeen masuuliyiinta xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka iyo ciidamada ilaalada waddooyinku lagu soo helay liisannadani sharciga la’aanta h.


Ruqsadahani foojariga ah ayaa ah kuwo laga soo kala sameeyay siddeed deegaan oo ka mid ah deegaannada dalka, Ismaamulka Magaalada Diridhabe iyo caasimadda dalka ee magaalada Addis Ababa.