Wax garadka ,siyaasiinta,dhaqanka  iyo aqoonyahanka jubaland ayaa shir ku qabatay magaalada nairobi ee dalka kenya  ayagoo oogu baaqay dawlada federaalka ah inayna dib u dhicin doorashada juabaland ee la filaayo .

Sidoo kale waxay ka tacsiyeeyeen askartii ciidanka jubaland ee sida arxan darrada ah ay kooxda shabaab oogu gumaaday  janaa cabdalle,saanguuni iyo baardheere ayagoo tacsi u diray dhamaan qoysaskii ay ka baxeen askartaas .

Aqoonyahanka jubaland ayaa sidoo kale baaq u diray madaxwayne ahmed mohamed islaam ayagoo cod adag oogu sheegay inuu jubaland u turo iyo shacabkeeda la joogana waqtigii uu fursad siin lahaa aqoonyahanka iyo wax garadka kele ee deegaanka si ay  xoogooda iyo cilmigooda oogu faaiideeyeen shacbaka.

Jubaland oo ah maamulkii labaad ee laga yagleeo somalia ayaa wali ah kan ay dhulka oogu badan ka joogaan kooxda shabaab ayadoo muddo 17 sano ah ay shabaab maamulayaan caasimadii sharciga ahayd ee jubaland  taasoo ah bu'aale.